Boggan waxaa loogu talo galay in la is kula gorfeeyo doorashada erayo cusub oo ku saabsan xisaabta iyo computer-ka, fadlan isku day inaad ka qayb qaadato oo aad faaqidaad talo-dhismeed ah ah ku darsato.
Tusaale ahaan waxaa jira erayo badan oo ay wanaagsanaan lahayd in sidooda loo afsoomaaliyeeyo dhawaaq ahaan, sida horeyba loogu isticmaalay aljebra, kombuuter, saynis iyo kuwo kale oo badan.
Dhowr qof oo hore waxay isku dayeen inay soomaaliyeeyaan erayada cusub ee computer-ka, iyo xisaabaadka sareba. Waxaa tusaale ahaan la soo bandhigay erayga, click oo loo doortay tuuji/guji. Haddii aad hore uga fekertay erayo la mid ah kuwan, fadlan ii soo sheeg, adiga oo sheegaya in magacaaga iyo addreskaaga lagu qoro halkan iyo in kale.
Waxay u muuqan doonaan sidan oo kale:
Erayga qalaad | Erayga soomaliga | Waxa soo jeediyay | Sababayn |
clik | tuuji | Said Mohamed, Canada | 28 luuliyo |
clik | riix | ||
clik | guji | Mohamed A. Warsame, Denmark | 1 noofeember |
clik | dhiq-sii | Mohamed A. Warsame, Denmark | 1 noofeemeber |
thesis | biyodhac | Abdalla Osman Mohamed, Italy |
ku noqo bogga Jama
ku noqo bogga Qaamuuska.
ku noqo bogga alif la kordhebay