Ujeeddada boggan.
Dhibka eray-bixinta.
Erayo cusub: Faaqidaad ku samee erayadan la soo bandhigay.
Qaamuuska Xisaabta: Soomaali-English-Italiano: Qeex af-soomaali.
Bogga Jama | Qaamuuska Xisaabta | Talo Bixin Eray | Farriin Dir |
Muhiimadda ugu wayn ee aasaaska boggan waxa ay tahay sidii loo heli lahaa
goob lagaga doodi karo af-ka soomaaliga iyo wax ku barashadiisa. In ay
sax tahay in wax lagu barto iyo in kele; in sayniska lagu sifeeyo af
soomaali iyo su'aalo kale oo la mid ah ayaa jawaabtooda laga sugayaa
in loogu soo hagaago goobtan.
Waxaa kale oo lagu soo bandhigay qaamuuska
xisaabta ee afsoomaaliga, kaasoo haddii Eebe raali ka noqdo dhawaan
soo bixi doona isaga oo daabacan.
Sida wacan Illaah ha ina garansiiyo.
Jama Musse Jama
Ujeedada Alif-La-Kor-Dhebay
Mar kasta oo aqoonta aadamahu kor u socotoba waxaa iyana la kora
luuqadda ay ku hadlayaan, iyada oo ay dhashaan erayo cusub oo aan hore
loo isticmaali jirin. Afka soomaaliga oo ah mid isagu qani ku ah
dhaqanka soomaalida, waxa uu u baahan yahay koritaan
iyo horumar joogto ah oo ku salaysan cilmiga iyo horumarka
dunida cusub, gaar ahaan sayniska.