Come vedete, cambiare ogni tanto l'ambiente nella quale uno vive, ti permette di acquisire una nuova amicizia e di conoscere nuove persone, mentre altre amicizie - che ti sono anche a volte molto care - si allontano col tempo. Di sicuro certe amicize non si dimentacano mai`; forse la parola giusta e' che si sorpassano i ricordi di certi momenti. Tuttavia ci sono momenti e luoghi legati al tuo modo di vivere, al tuo pensiero ed ogni tuo azione nella tua vita attuale; quei momenti che non solo sono indimenticabili ma non si possono neanche sorpassare; quei momenti e luoghi che fai confronto con l'attuale vita quatidiana, quando sei felice e quando non lo sei; quei tempi di cui ricordi, a volte per consolarti ed altre volte per festeggiarti, ricorrono alla tua mente uno dopo l'altro come le onde del mare; quei momenti che voresti rivivere: nel mio caso, da Hargeisa a Berbera, da Mogadishu a Gahayr, da DJibouti a Pisa, da Farah Oomar a Hussien Giirre, da Batallaale a Shacabka. Insomma, sento un pò di nostalgia di casa, di amici e di un tempo relativamente lontano.....
If you decide to write for me, okey, this is my address otherwise if you prefer an e-mail message, just click here. Anyway this is my home page and also is yours as a friend, so don't hesitate to rivisit. Any comments are well appreciated.
Home Address: Jama Musse Jama Via Borgo Stretto 29 56126 Pisa (PI) Italy. Tel. (39)(50) 598077 |
University Address: Jama Musse Jama Via Buonarroti 2 56100 Pisa (PI) Italy. Fax. +(39) 50 844 224 |
Dooxii Hargeisoo
Labadiisa daamood
Dacartiyo gobkii iyo
Damalkii ku taxan yoo
Daad golongolcooboo
Daafyaha maraayoo
Danyartiyo dareleeftii
Ku duwayso beeraha
daartaad ogayd baan
deggan gacaladaydaay
salaan tii da'wayniyo
kalgacaly ka soo direy .............
Ilaa iyo markii aan farriintan qorey oo hadda (1999) laga joogo ilaa 6
sanandood, waxaa ila soo xidhiidhay dad aad u badan oo da'o kala duwan
ah, wadaagayse kaliya inay Farah Oomaar fasal ka mid ah fadhiisteen.
Hadalkiina maan dhayalsanayne, intaa waan la soo guclo rooraayey
waxaan goobtan ugu talo galay. Inan ka mid ahina waxaabay igula
talisay inaanu samayno Farah Omar Allumi Association. Mahadsanid
walaaley. Intiinii ilasoo xidhiidhayeey, iyo intiina hadda uun soo
booqateyba, dhawaan hadda alle idmo waan idinku soo war celin.
Talo kastaoodigu soo biiriso, haddaan hore kuugu soo jawaabi waayay, ha u qaadan
inaan dhayalsadey, hubaal waan ku xisaabtamay, waana aad ku mahadsan tahay.
Reer Berbera si qiime badan bay noo soo dhaweeyeen, muddo saddex
bilooda markaan joodayna, Berberi waxay noqotey magaalada aan aad u
jecelahay. Xasuus aad u qurux badan baan u hayaa Berbera iyo reer
berberba. Anigoo ka sheekanaya nolol maalmeedkada, ilaa markaan
subixii ka tooso Burcoshiikh (waa xaafad ku taal koonfurta berbera e),
ilaa iyo markaan cawayskii anoo daalan gurigayga ku soo noqdo, waxaan
ku idhi asxaabteydii reer Hargeisa .....
Subax barisamaadka ah,
Allahayow Berberi waa
FAARAX OOMAAR Secondary School
Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado intiina soo martay
dhallinyaronimadoodii dugsiga F/Oomaar, waxaan ku rajowaynahay inaan
sameeyo F/Oomar Home Page. Hadaad ka mid tahay ardeydii F/Oomaar,
da'day doonto ha ahaatee, fadlan ila soo xidhiidh, ilana soo tali
siday kuulo muuqato.
Berbera ....
Anigoo sideed iyo toban jir ah ayaan macallin ka noqdey dugsiga hoose ee
hablaha Berbera, si aan shaqada qaranka u guto. Waxay filkay tageen
"gurmad" oo koonfur baa askarinimo loo geeyey, aniga iyo labaataneeyo aanu ku
jirnaana waxaa naloo reebay macallimiin. Waxaase naloo diidey inaan
ku hadhno Hargeisa, magaaladaan ku dhashay een ku barbaarey. Waxaa la
ii direy Berbera inaan macallin ka noqdo. Waxay ahayd markii iigu
horreysaya een gurigaya "ka dhaxo", Berberana hore umaan degin.
Burco shiikh ka toosoo,
ka dhex bood xabaalaha,
bisinkiyo qiraankiyo,
faataxada usii bari,
[....]
Baydku waa kulayloo
hurdo uma bogayside
Batalaale aadoo
bacaadkaa xariirtee
mawjad baala daymaha
bishaan qurux wanaagga leh
nafta yara barriinsii
barta casarka liiqana
kubbad baaskedyara dheer
[....]
Bal maxaan Hargeisiyo
Burco iyo Sanaag iyo
Xamar baalaheediyo
Marka iyo Baraawiyo
Baladkii Kismaanyaad
maxaan ugaba baahnahay
Waxaan kaga bogsanayaa
Boqorkii Jacaylkaan
Ka ag baaqayoo
Boodheri sintiisaan
Baayo aan ka leeyahay
Ayana boowe leedahay
Beledkii samaayee
Yaraanta ugu bogayee
La ogow barwaaqada
Balaayadan la sheegayna (berigaa waxaa Hargaysa agagaarkeeda kadhacay
daacuun)
Kagabaaji alifkaa